Xamaas oo sii deysay maxaabiis dheeraad ah

Published: November 25, 2023

Xamaas oo Jimcihii shalay siidasey 13 Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale siidaayey 11 ah Ajnabi u dhashay Thailand & Filibiin.

Qorshaha ayaa markii hore ahaa in 13 haween iyo caruur ah oo u dhashay Israel lasii daayo.

Siideynta shaqaalaha u dhashay Thailand iyo Filibiineeska ayaa ahayd mid kadis ah oo Xamaas aysan wax sharuud ah ku xirin.

Israel ayaa dhankeeda siideysay 39 haween iyo caruur Falastiiniyiin ah oo ay horey u qafaasheen.

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in labada dhinac ay siidaayaan maxaabiista la kala heysto.

Waxaanse cadeyn maanta xiliga ay dhici doonto siideynta, balse sida la filayo waxay dhici doontaa gelinka danbe.

Horseed Media