Xamaas oo siideysay 10 Israa’iiliyiin ah & 30 Falastiiniyiin ah oo xabsiyada laga siidaayey

Published: November 29, 2023

Xamaas ayaa habeenimadii Arbacada soogaleysay siidaayey 10 qof oo u dhashay Israel iyo waliba 2 qof oo u dhashay Thailand.

Israel ayaa dhankeeda siideysay 30 caruur iyo haween reer Falastiin ah oo ay xabsiyada ku heysay muddo dheer.

Maxaabiistan labada dhinac ay isdhaafsadeen ayaa qeyb ka ahayd heshiiska kordhinta xabad-joojinta oo lagu daray 2 maalmood.

Maanta oo Arbaca ah ayaa ugu danbeysa xiliga lagu kordhiyey xabad-joojinta dagaalka Gaza, waxaase socda dadaalo la doonayo in wakhti dheeraad ah lagu daro.

Horseed Media