Xamaas oo soo bandhigtay Muuqaalka dagaalada fool ka foolka ah ee ka socda Gaza – Video

Published: November 4, 2023
Shares4

Muuqaalada ay baahisay Xamaas ayaa muujinaya dagaalada fool ka foolka ah ee ka socda gudaha Gaza.

Muuqaaladan ayaa muujinaya khasaaraha soo gaaray gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Israa’iil.

Militariga Israel ayaa horey u xaqiijiyey in ciidamo looga dilay dagaaladan oo inta badan aan xog laga heyn.

Wararka ayaa sheegaya in Israel gaadiidka gaashaaman ee laga burburiyey ay gaarayaan 61 Taangi & Beebayaal.

Israa’iil ayaa duqeyn xoogan asbuucii 4aad ka wada Gaza, iyadoo bartilmaamsatay goobaha shacabka.

Tirada shacabka Gaza ee ku dhintay duqeynta Israel ayaa kor u dhaafay 9.500 oo ay ku jiraan 3.900 caruur ah.

Xamaas ayaa dhinaca kale u muuqata inay sii wado dagaalka ay kula jirto ciidamada Lugta ee gudaha usoo galay Gaza.

Horseed Media