Xamse Cabdi Barre oo safar ugu baxay deg. Mahadaay

Published: August 30, 2023
Xamse Cabdi barre

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu baxay degmada Mahadaay ee gobolka Sh.dhexe. Safarka Xamse ayaa lagu sheegay dardargelinta wejiga labaad ee dalka looga xoreynaayo argagxisada al-Shabaab.

Safarka Raysalwasaaraha ayaa imaanaya iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh muddo bil ah ku sugan yahay gobolada dhexe halkaasna ka wado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Raysalwasaare Xamse ayaa lagu wadaa in uu la hadlo ciidamada xoogga dalka kuna baraarujiyo inay garab taagan yihiin. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa booqan doono saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa malayshiyaadka deegaanka, isaga oo ku dhiiragelin doono halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka.

Gobolka Shabeelada dhexe magaalooyinkiisa waaweyn ayaa al-Shabaab laga saarey sanadkii hore, laakiin waxaa hadda soobaxaya habacsanaan ciidanka ku timid kadib weerarkii Cawsweyn ka dhacay maalintii Sabtida.

Horseed Media