Xamse muxuu kala hadley xildhibaanada Puntland laga soo doorto?

Published: July 23, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa habeenkii xalay ee Axadda casho sharaf iu sameeyey xildhibaanada labada aqal ee laga soo doorto Puntland, kulanka ayaa ahaa xogwaraysi, taageerada xukuumadda dan-qaran, xaaladda Puntland iyo gobolka Sool.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay 30 Xildhibaan oo kamid ah 48 Xildhibaan ee deegaan-doorashadoodu tahay Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran ee ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha.

Kulankan ayaa imaanaya iyada oo khilaaf ba’an uu ka dhexeeyo Dowladda federaalka iyo Puntland, iyada oo Madaweyne Deni ku tilmaamey raysalwasaare Xamse in uu ku tilmaamey in uu shaqeynaayo sidii Xoghaye qof kale isla markaana uu wareejiyey awoodiisi dastuuriga ahayd.

Xildhibaanada laga soo doorto Puntland oo dhamaantood Madaxweyne Deni kuraasta u xirey doorashadii u danbeysey, ayaa intooda badan wax xiriir ah aysan la wadaagin xukuumadda Puntland, waxaana ay dhawaan war ay ka soo saareen Garoowe ka soo horjeesteen in doorashada qof iyo cod ah ay sii socoto.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).

Horseed Media