Xamse Cabdi Barre oo ballan qaad u sameeyey dadka naafada ah

Published: July 28, 2022
Shares48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ee naafada ah kulanka ayaa daba socday, kulamaddii uu maalmahaan la lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay tallooyinka ay soo jeediyeen dadka naafada ah iyo arrimaha ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso.

Raysalwasaare Xamse ayaa ballan-qaaday in xukuumadda uu soo dhisi doono ay mudnaan gaar ah siin doonto, wax u qabashada naafada, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, awoodsiinta hay’adda u dhaq-dhaqaaqda xaquuqdooda, iyo in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay ku matali doonto qof dumar ah oo iyaga ka mid ah.

“Waxaan ballan-qaadaynaa miisaaniyadda soo socota in hay’adda naafadu ay qeyb ka noqon doonto, tayada iyo aqoonta dadka ka shaqeeya hay’addana kor loo qaadi doono.”

Xamse Cabdi barre

Raysalwasaare Xamse Cabdi ayaa xusay in uu qorsheynayo tiro haaregysa 1100 oo arday oo naafo ah, ay fursad u heli doonaan waxbarasho marka uu soo dhiso xukuumadda

Dhinacooda, dadka naafada ah, ayaa soo bandhigay arrimaha ay u baahan yihiin in wax looga qabto, iyagoo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha mudnaanta uu siinayo dhageysiga bulshada qeybaheeda nugul.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *