Xasan Sheekh “…Masar weligeed annaga ayey nala jirtey….”

Published: July 25, 2022
Shares16

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir la qaatey dhigiisa dalka Masar Cabdulfataax al-Sisi oo uu marti u ahaa shirkooda kadib ayey shir wadajir ah qabteen oo saxaafadda laga baahiyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn ka mahad celiyey naf-hurnimadii dalka Masar ee xiligii gumeystaha, xornima doonkii iyo ilaa maanta iyada oo halyeeyadii Masar ee Soomaaliya u soo halgamey calaamadahoodi weli laga arki karo gudaha dalka ayu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Taariikhdaas dheer ma ahan mid aan hilmaami karno, in dib loo hagaajiyo oo loo cusbooneysiiyo xili ay uga habboon tahay MAANTA ma jirto.

Madaxeyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyey taageerada Masar ay u fidisey ee dhanka Amniga, arrimaha bulshada iyo dedaalada kale ee Masar.

Madaxweyne Xasan ma soo hadal qaadin arrinta Biyo xireenka Masar iyo Itoobiya ku muransan yihiin, laakiin waxaa soo qaadey Madaxweynaha Masar oo sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya isla garteen in ay khatar tahay in hal dhinac keliya uu go’aan ka gaari karo biyo xireenka webiga NIIL oo intiisa badan mara dalka Masar.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *