Xasan Sheekh oo bilaabey olole xoogan oo dastuurka lagu asnixinaayo todobaadka danbe

Published: March 21, 2024
Shares2

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuryadda Federaaliga ah ayaa maalinta Sabtida ah soo geba gebeynaaya cutubka afaraad ee dasturka federaalka kaas oo ahaa midka aadka loogu kala qaybsan yahay ee wax ka beddalay dalka jihada uu ku socdey.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista la socodka & hirgelinta Dastuurka Federaalka Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa sheegay in xildhibaanadu ay soo jeediyeen in ka badan 400 oo aragtiyood taas oo u baahan in la tixgeliyo haddii kale dooda ay yeesheen ay noqoneyso macano darro sidaas darteed waxaan u baahanahay ayuu yiri ilaa lix todobaad oo dheeraad ah, taas oo ka dhigan in kalfadhiga danbe ay noqon doonto in dastuurka loo codeeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga caroodey soo jeedinta guddiga dib ugu eegista dastuurk. Madaxweynaha ayaa bilaabey olole degdeg ah oo Xildhibaanadu ay tahay in todobaadka danbe ay u codeeyaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka aan wax looga beddelin aragtiyada xildhibaanada ee sidii loogu keenay lagu ansixiyo waxaana uu durba bilaabey in uu kulamo la qaato xildhibaanada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhaliilay qaabka ay ku socoto dooda dastuurka waxaana uu sheegaya in kooramka baarlamaanka xitaa aan la ilaalin oo iyada oo kooram la’aan ah doodu bilaamato.

Dastuurka ayaa u baahan 2/3 tirada guud ee oo labada aqal (329) oo la isku daray si loo asnixiyo, laakiin sida lagu bartey Guddoomiye Aadan Madoobe tirakasta wuu ku ansixin karaa marka la eego qaabka uu ku mariyey habraacii loo marey furidda dastuurka.

Horseed Media