Xasan Sheekh oo Gen. Cabdalla Cabdalla u soo celiyey derajadiisi horey looga xayuubiyey.

Published: August 30, 2022

Wareegto ka soo baxdey Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in Sarkaal dowladdii hore xilka uga qaadey derajadana uga xayuubisey dib loogu soo celiyey dhamaan xuquuuqdiisi ciidan ee uu ku lahaa hay’adda sirdoonka qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu xeerkiisa ku saleeyey sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii, codsi uu soo gudbiyey Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xasan Sheekh Maxamuud

Maxay ahayd sababta Cabdalla Cabdalla derajada looga xayuubiyey.

Gen. Cabdalla Cabdalla ayaa ahaa ku xigeenkii agaasimaha NISA, waxaana xilka laga qaady sanadkii 2018, waxaana lagu bedalay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kadib markii xilka laga qaadey ayaa laga dabategay, waxaana laga xayuubiyey derajiidi ciidan, sidoo kale waxaa uu waayey dhamaan xuquuqdii uu lahaa sida waardiyaha xitaa.

Cabdalla cabdalla ayaa eersadey waraysi uu siiyey VOA oo uga hadley arrimo sir u ahaa hay’adda NISA, qoraalkii sanadkii 2018 loogala laabtey derajada ayaa lagu yiri:

“Kadib waraysi uu bixiyay Gen. Abdalla Abdalla kuna sheegay eedeymo, waxaa loo saaray guddi baara khaladaadka xasaasiga ah ee ka horimaanaya hannaanka shaqo & danaha qaran, waxaana uu gudigu gartay, in uusan Cabdalla u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah”.

NISA

Waa sarkaalkii labaad ee dowladdii hore xilka ka xayuubiso derajiinkiina ka rifto oo Madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu tolay derajada, Xildhibaan Saadaq Joon ayaa sidaan oo kale loo soo celiyey derjadiisi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *