Xasan Sheekh oo magacaabey agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya

Published: August 18, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Mudane Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha sida lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha/

Agaasimihii hore ee Villa Somalia Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa xilka iska casiley, qoraal uu soo dhigey barta uu ku lee yahay facebook ayuu ku sheegay in uu xilka isaga casiley darteed “ka shaqeynta siyaasadda Koonfur Galbeed” oo ay dhici karto in uu isu diyaarinaayo in uu u tartamo xilka Madaxweynaha. Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh lagu cadaadiyey in uu meesha ka saaro Xuseen Sheekh Maxamuud, kadib markii ay sidaas dalbadeen qaar kamid ah dalalka Soomaaliya saaxiibka la ah.

Horseed Media