Waxa maanta oo Jimce ah lagu wadaa in magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta Galmudug ay garaan siyaasiyiinta…
Waxa maanta oo Jimce ah lagu wadaa in magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta Galmudug ay garaan siyaasiyiinta ka soo hor-jeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Wefdigan waxaa kamid ah guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, madaxweynihii hore ee koonfur-galbeed, wasiiro iyo siyaasiyiin kale.
Waa markii labaad ee ay booqdaan Dhuusmareeb oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxay kulan la qaadan doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo labadii bilood ee u dambeeyay ku sugnaa Dhuusanareeb, kaas oo ay sheegeen inuu ka codsaday kulan ay yeeshaan.
Qorshaha siyaasiintaas ayaa marka hore ahaa, in shalay oo 5-ta bisha ku beegnayd aadaan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka koonfur galbeed, balse waxay safarkooda u baajiyeen inay Dhuusamareeb aadaan. Waxay sheegeen in kulankaas kadib ay aadi doonaan Baydhabo.
Sida xogtu sheegayso madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maalintii Salaasada ee la soo dhaafey booqdey Dhuusamareeb, halkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh ay kuwada hadleen.
Doorashadii Koonfur galbeed ayaa aad u soo dhawaatey waxaana saameyn weyn ku leh dowladda federaalka.
Horseed Media