Xasan Shiikh Oo Ka Hadlay Kulankii Isaga Iyo Agaasimaha NISA

Published: August 25, 2020
Xasan Shiikh Maxamed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay kulan dhexmaray isaga iyo Fahad Yaasiin Agaasimaha nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in isaga iyo fahad ka wada arrimo aan u qusayn siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna uu sheegay inuu soo dhowaynayo cid kasta oo gurigiisa kusoo martida.

” Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed. Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah. Maadaama aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gala gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta.”

Xasan Shiikh Maxamuud

Kulanka Fahad iyo Xasan Shiikh ayey warbaahinta siyaabo kala duwan uga hadashay 24kii saac ee lasoo dhaafay, wuxuuna kusoo aaday xili uu dalku jiro khilaaf siyaasadeed iyo marxalad kala guur ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. waxaa la yiri nimaam quusani isagaa quusa weli sheekadii Culusow ayaad nadaba ka wadaan Reer koonfur iyo Puntland waxay isu hayaan ayaanba jirin marka hadaad war noo soo tebinaysaan puntland nooga soo warama, mar hore ayaanu iska deyney sheekooyinka koonfur ka socda xiiso uma qabno.