Xeer-ilaaliyaha Qaranka Oo Ka hadlay Dadaalada Xakamaynta Musuqa

Published: June 17, 2023

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa ka hadlay dadaalka uu ugu jiro sidii musuq-maasuqa looga saari lahaa hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa lagu sheegay in dadaal xooggan uu ku bixinayo xafiisku la dagaalanka Musuq-maasuqa.

” Baaritaanada aan ku hayno hay’addaha dowladda qaarkood ee ka dhasha warbixinada iyo baaritaanada maaliyadeed iyo dadka u xiran eedaha la xariira musuqa, dayaca mas’uuliyadda iyo ku xadgudubka dakhliga dowladda dhamaan waa dadaallo ku wajahan taabbagalinta hufnaanta hay’addaha dowlada” ayaa lagu yiri; warsaxaafadeedka Xeer-ilaaliyaha Qaranka.

Bilowgii bishan 6aad ayey ahayd markii eedaymo musuqmaasuq loo xiray agaasimihii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media