Xisbullah oo ku gantay 50 gantaal Waqooyiga Israa’iil

Published: April 12, 2024
Shares36

Kooxda Xisbullah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada “tobaneeyo gantaallada Katyusha ah” oo lagu garaacay goobaha madaafiicda ee Israa’iil Jimcihii, Abriil 12, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Weerarkan caawa ayaa waxa uu ahaa mid ay Xisbullah kaga jawaabtay duqeymo ay dhawaan diyaaradaha Israel la beegsadeen xarumaha ay kooxdaasi ku leedahay koonfurta Lubnaan.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Xisbullah, dagaalyahannada kooxda ayaa bartilmaameedsaday “goobaha madaafiicda cadawga…” iyaga oo uga aargoosanaya duqeymo ay Israa’iil dhawaan ku qaadday tuulooyinka koonfurta Lubnaan iyo guryaha rayidka.

Duqeyntan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay jirto xasillooni darro heer gobol ah, iyada oo colaadda Israa’iil iyo Iiraan ay cirka isku sii shareerayso wixii ka dambeeyay weerarradii dhawaan Israa’iil ku qaadday safaaradda Iran ee Suuriya.

Inkastoo milatariga Israa’iil uusan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, haddana ciidamadu waxay sheegeen in “ku dhawaad 40 gantaal la ogaaday in laga soo tuuray dhulka Lubnaan, kuwaas oo qaarkood la burburiyey.”

Weli ma jirto wax faah faahin ah oo la xariirta khasaaraha Duqeyntan.

Horseed Media