Xiisada ka dhex aloosan Israel iyo Ruushka kadib diyaaradii lagu soo riday Siiriya!

Published: September 19, 2018

Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Ruushka ayaa Salaasadii shalay ku eedaysay diyaaradaha dagaalka ee Israel inay ka danbeeyeen khasaarihii ka dhashay diyaarad uu leeyahay militariga oo kusoo dhacday dalka Siiriya.

Diyaarada Ruushka lahaa oo ahayd nooca wax basaasta ayey ku dhinteen dhamaan 15kii askari oo saarnaa, waxaana la sheegay inay diyaarada soo rideen gantaalada lidka diyaaradaha.

Taliska Militariga Ruushka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israel oo habeenkii isniintii soo weeraray dalka Siiriya ay gabaad ka dhigteen diyaaradan Ruushka leeyahay taasina keentay in gantaalada lidka diyaaradaha ee Siiriya ay ee lagu riday diyaaradaha Israel ay haleeleen diyaarada Ruushka.

Israel ayaa iska fogeysay eedayntan iyadoo uu Raysalwasaarahooda Netanyahu uu sheegay in ay ka xun yihiin khasaaraha soo gaaray Ruushka, isla markaana ay dowlada Siiriya tahay mida soo riday diyaaradooda.

Militariga Israel ayaa marar badan weeraro dhanka cirka ah ku qaaday dalka Siiriya, iyagoo yoolkoodu yahay burburinta saldhiyada ay dalkaasi ku leeyihiin ciidamada Iran iyo kuwa Xisbullah ee gacanta siinaya ciidanka Bashar Al Assad.

Diyaaradaha dagaalka ayaa farsamooyin kala duwan adeegsada marka ay weerarayaan Siiriya si ay uga gaashaantaan gantaalada lidka diyaaradaha ee Dimishiq, waxayna hada kahor sidan oo kale uga weerareen caasimada Siiriya iyagoo isticmaalaya hawada dalka Lubnaan oo ay jaarka yihiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *