Xil-ka-qaadistii Afhayeenka Kongareska Maraykanka, Kevin McCarthy

Published: October 4, 2023

Aqalka Kongares-ka dalka Mareykanka ayaa u codeeyay in xilka laga xayuubiyo afhayeenka Aqalka Jamhuuriga Kevin McCarthy, taasoo ka dhalatay isqabqabsiga ka dhex jira xisbigiisa Jamhuuriga iyo loolanka kaga imaanaya dhanka midigta xog ee xagjirka xisbiga Jamhuuriga.

Afhayeenka ayaa codbixinta looga guuleystay 216-210 cod la qaaday fiidnimadii talaadada, waana markii ugu horeysay taariikhda Mareykanka ee aqalkaasi uu u codeeyo in xilka laga qaado hogaamiyahooda.

Xisbiga Dimuquraadiga oo laftiisa dhaliilsanaa afhayeenka ayaa diiday inuu wax cod ah siiyo hogaamiyaha.

Afhayeen McCarthy waxa uu ku guul daraystay in uu mawqif adag ka istaago go’aanada muhiimka ah,” ayuu yidhi Matt Gaetz oo ah xildhibaanka midigta fog ee laga soo doorto gobalka Florida, kaasi oo bilaabay dadaalka lagu doonayo in meesha lagaga saaro McCarthy.

Codbixinta aan hore loo arag ayaa hoosta ka xariiqday qalalaasaha sii kordhaya ee xisbiga Jamhuuriga, iyadoo kooxda midigta fog ay marar badan cadaadis saaray McCarthy tan iyo markii uu qabtay xilka afhayeenka. Ma jiro illaa iyo hada cid ay heshiis ku yihiin xisbigaasi in lagu bedelo afhayeenka xilka laga xayuubiyey.

Afhayeen la’aanta Golaha Kongares-ka ayaa caqabad ku noqon doonta hawlaha horyaal Aqalka Hoose oo ay kamid tahay ansixinta miisaaniyada dowlada.

Horseed Media