Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo kenya ku geeriyooday

Published: July 21, 2023

Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar oo ka tirsanaa Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Geerida xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo qoraal tacsi ah soo dhigay bogga golaha shacabka ee facebook.

Xildhibaanka ayaa ka tirsanaa xildhibaanadii lagu doortey Muqdisho 2021-2022 waxaana uu ka soo jeedaa gobolka Awdal.

Xildhibaanka ayaa muddooyinkii danbe ku xanuunsanaa magaalada Nairoobi ee dalka Kenya. geerida Xildhibaan Cabdiraxmaan waxaa ka tacsiyeeyey Dowladda federaalka, sida Madaxweynaha iyo Gyddoomiyaha baarlamaanka.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe guddoomiyaha golaha shacabka.

Horseed Media