Xildhibaanada Golaha Shacabka oo meel-mariyay Sharciga Hay’adda NISA

Published: February 6, 2023
Shares2

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ayaa meel-mariyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcigan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan waxaana diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka Baarlamaanka.

Hay’adda NISA ayaa maanta 53 sano kadib yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaas oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Salaad oo ka falceliyay go’aanka Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay ansixinta sharcigan.

Horseed Media