Xildhibaanada Jubaland oo dooranaya Senetarada Aqalka sare

Published: October 21, 2021

Doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah Jubaland.

Guddiga maamulaya Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shalay diiwaangeliyay Musharixiinta Aqalka Sare, kuwaas oo qaatay shahaadada musharaxnimo.

Musharixiinta ku tartami doona afarta kursi ee Aqalka sare ayaa dhan 8 Musharax, waxaana ay ka hor doorashada jeedin doonaan khudbadahooda iyadoo intaasi kadibna Xildhibaanada Jubaland dooran doonaan Senetarada Aqalka sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *