Xildhibaannada labada Aqal oo billaabay dooda cutubka 4-aad ee Dastuurka

Published: March 12, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shirguddoomiyay kulanka 24-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa guda galay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka.

Cutubkan oo ka kooban  afar qeyb ayaa waxaa ka doodistooda la furay qeybta koowaad ee mabaadii’da guud ee mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo Xildhibaannada Labada Aqal ay soo jeediyeen aragtidooda ku aaddan qodobada 48-aad illaa 53-aad ee Cutubka Afaraad madaxyadiisa koowaad iyo labaad

Doodda Cutubka Afaraad oo sii socon doonta maalmaha soo socda ayaa waxaa isku diiwaan geliyay in ka badan boqol mudane, taas oo muujinaysa muhiimadda cutubkaan uu leeyahay, iyadoo Guddiga La-Socodka Dastuurkana ay diiwaan geliyeen dhammaan hadal qoraallada  iyo Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad.