Xildhibaano Si Kulul Uga Jawaabay Hadalkii Goodax Barre-DAAWO

Published: February 3, 2020

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka u matala degaanada Puntland ayaa bayaan ka soo saaray khilaafka u dhexeeya dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland ee la xiriira shahaadada Dugsiga sare.

Xildhibaanada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa ay soo saareen bayaan ka kooban 7 Qodob oo ay ku cadeeyeen in waxbarashadu tahay xaq dastuuri ah oo lama taabtaan ah oo ay leeyihiin Ardayda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo bayaanka akhriyay ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin hadalkii Wasiirka waxbarashada federaalka C/laahi Goodax barre ee ahaa in xildhibaanada ka soo jeeda ay u caalwaayeen maamulka Puntland arrinta la xiriirta xal u helinta dhibaatada ka taagan Shahaadada dugsiga Sare.

Xildhibaanadu waxay bayaanka ku sheegeen in Wasiir Goodax Barre uu masuul ka ahaa burburka wadahadalo iyo dhexdhexaadin ay xildhibaanadu ay isugu soo dhaweeyeen Wasaaradaha waxbarashada Federaalka iyo Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *