Xisbullah oo duqeyn la beegsatay Saldhig militari ee Israel

Published: November 21, 2023
Shares30

Khasaaro ayaa ka dhashay Gantaalo Xisbullah ku tuurtay mid kamid ah Saldhigyada Ciidamada Israel ee u dhaw xaduuda dalka Lubnaan.

Duqeyntii Isniintii shalay ayaa ahayd tii ugu xoog badneyd ee Xisbullah la beegsato Israel.

Saldhiga Militariga Israel ee Zibdin ayaa burbur xoogan soo gaaray kadib markii ay ku dhaceen ugu yaraan 2 gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan.

Xisbullah ayaa weerarkan sheegatay, waxayna duqeyntan u adeegsadeen Gantaalada “Burkan”.

Difaaca cirka ee Israel ee loo yaqaan Iron Dome ayaa soo riday qaar kamid ah gantaalada. Balse waxaa muuqata in qaar kale ay yoolkooda ku dhaceen.

Xisbullah ayaa sidoo kale diyaaradaha Droneka u adeegsatay duqeynta ay la beegsatay ciidamada Israel.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey labada dhinac isdhaafsanayeen duqeymo, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka Gaza uu kusii fido gobalka oo dhan.

Horseed Media