Xog ku saabsan magaacibadda golaha wasiirada ee Dowladda federaalka ah

Published: April 6, 2024
Shares54

Waxaa lagu wadaa maanta oo Sabti ah in la magacaabo qaar kamid ah golaha wasiirada xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed.

Xog soo gaartey HORSEEDMEDIA ayaa sheegaysa in magacaabis cusub aysan dhacayn laakiin la buuxin doono wasaaradaha banaan, marka laga reebo Wasiir iyo wasiiru dowle xilka waayi doona.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee hadda Axmed Macalim Fiqi, wasaaraddaas ayaa xilkeeda waxaa baneeyey wasiir ka soo jeedey Puntland Abshir Cumar Huruuse.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa xogtu sheegaysa in loo magacaabyo Xil.Cali Yusuf Cali Xoosh oo ka soo jeeda Puntland.

Wasaaradda Amniga oo wasiirkeedi safiirka Qatar loo magacaabay ayaa banaaneyd, waxaana warku sheegayaa in loo magacaabayo Sen. Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag oo ka soo jeeda Jubaland.

Xogta soo gaartey HORSEEDMEDIA ayaa sheegaysa in wasiirka boostada iyo isgaariinta Jaamac Xasan Khaliif uu xilka waayi doono, waxaana beddeli doona Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo isla wasaaraddaas loo magacaabi doono.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in Xildhibaan Cabdicasiis Qambi iyo Xildhibaan Ismaaciil Shire oo ka soo wada jeeda Puntland loo magacaabi doono wasiiru Dowlayaal.

Wasaaradaha kale ee banaan waxaa kamid ah Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka oo wasiirad Khadiijo Diiriye ay ka geeriyootey ilaa haddana aan la buuxin.

Isbeddalka labaad ayaa lagu wadaa in uu dhaco ka hor kalfadhiga baarlamaanka ee bisha Juun.

HORSEEDMEDIA