Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqay qodobka 99-aad ee Xeerka UN-ta

Published: December 7, 2023
Shares4

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cuskaday qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isagoo ku booriyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tallaabo ka qaadaan dagaalka Gaza.

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo Qaramada Midoobay looga dhawaaqo xeerkan 99, go’aankan Xoghayaha guud ayaa kusoo beegmay iyadoo golaha amaanka uusan weli meel marin qaraar xabad joojin ah oo dhexmara Israel, Xamaas iyo xulafadooda.

Iyadoo loo tixgeliyo hay’adda ugu awoodda badan Qaramada Midoobay, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u xilsaaran ilaalinta nabadda iyo ammaanka adduunka.

Warqadda uu u diray madaxweynaha golaha Amaanka, Guterres waxa uu ku baaqay mas’uuliyaddan, isaga oo sheegay in uu rumaysan yahay in dagaalka Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, “ay uga sii dari karaan ammaanka adduunka oo dhan”.

Guterres – ayaa ku baaqayay “xabad joojin bini’aadanimo oo degdeg ah” tan iyo 18kii Oktoobar. Wuxuuna si adag u cambaareeyey xasuuqa shacabka iyo burburinta goobaha rayidka ee Gaza.

Dowlada Imaaraadka oo hada xubin ka ah Golaha Amaanka ayaa sheegtay inay diyaarisay Mooshin cusub kadib qoraalka kasoo baxay Guterres.

Haddii goluhu uu doorto in uu ku dhaqmo talada Guterres oo uu qaato qaraar xabbad joojin ah, waxa uu leeyahay awoodo dheeraad ah oo uu ku hubinayo in qaraarka la hirgeliyay, oo ay ku jirto awoodda lagu soo rogo cunaqabataynta ama oggolaanshaha in la diro ciidan caalami ah.

Laakiin shanta xubnood ee joogtada ah ee golaha – Shiinaha, Ruushka, Mareykanka, UK iyo Faransiiska – ayaa haysta awoodda diidmada qayaxan.

Maraykanka ayaa u adeegsaday diidmada qayaxan 18-kii Oktoobar isaga oo ka soo horjeeda qaraar cambaarayn lahaa weerarka Xamaas ee Israa’iil, isla markaana ku baaqayey in la joojiyo dagaalka si loogu oggolaado Gaza gargaarka bini’aadannimo. 12ka xubnood ee kale ayaa u codeeyay, halka Ruushka iyo UK ay ka aamuseen.

Horseed Media