Xukuumadda Soomaaliya oo u kuurgashay saameyn ka dhalatay roob ka da’ay Muqdisho

Published: April 29, 2023
Shares32

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer ku tagey xeryaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ee ay saameynta ku yeesheen Roobabkii xoogganaa ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kormeerey qaar kamid ah xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ayaa faray Hey’adda Maareynta Musiibooyinka in si deg-deg ay ugu gurmadaan dadka u saameyey roobku.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed.

Saalax ayaa booqday qaar kamid ah Waraha biyo-qabadka Caasimadda oo xiligaas uu Maamulka Gobolka Banaadir ka wadey howllo biyo dhurid ah, waxuuna boggaadiyey doorkooda muhiimka ah.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,  Gudoomiyaha Gobalka Banaadir aha Duqa Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.

Horseed Media