Xulka Gobolka Banaadir Oo Ku Guuleystay Tartankii Maamul Goboleedyada

Published: December 31, 2020

Xulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay tartankii maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kadib markii ay galabta kama dambaysta ee finalka ay rikoorayaal kaga badiyeen xulka kubada cagta Galmudug.

Labada xul ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiisa badan, waxaana daqiiqaddii 1aad gool u dhaliyay xulka Banaadir Nageeye Deeq, iyadoo daqiiqaddii 15aad uu kabtanka xulka Galmudug uu cayaarta ka dhigay 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa daqiiqaddii 52aad waxaa goolka 2aad u dhaliyey xulka gobolka Banaadir xidigga Deeq Nageeye, isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1, balse daqiiqaddii 86aad ayaa xiliga muxiidiin Jamaal waxa uu xulkiisa Galmudug u keenay goolka barbar dhaca 2-2.

Ugu dambayn ciyaarta oo rikoorayaal soo gaartay ayaa waxaa guushu ku raacday xulka gobolka Banaadir oo 3-0 kaga badiyey xulka Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *