Xulka Morocco oo taariikh cusub ka sameeyey kubadda cagta adduunka kadib markii ay reebeen Portugal

Published: December 11, 2022

Xulka qaranka Morocco ayaa u soo baxay wareegga semi-finalka koobka adduunka iyagoo reebay dhiggooda Portugal kadib kulan ku soo dhamaaday 1-0.

Morocco ayaa taariikh cusub ka sameeyey kubadda cagta adduunka iyagoo noqday xulkii ugu horreysay ee Africaan ah ee gaara wareegga semi-finalka koobka adduunka.

Sidoo kale xulkan waxaa Afrikaannimada u dheer inay yihiin dal muslim ah.

Xulka Morocco ayaa wajihi doona xulka Faransiiska oo isla xaley ka badiyey England, kadib haddii ay ka badiyaan waxa ay sii dhigi doonaan taariikh kale.

Horseed Media