Xuutiyiinta oo gantaalo ku weeraray Maraakiib, xeebta dalka Yemen

Published: April 27, 2024

Markab ayaa waxyeelo soo gaartay ka dib markii labo jeer lala beegsaday gantaalo xeebaha Yemen Jimcihii, weerarkii ugu dambeeyay ee maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas oo ay sheegteen Xuutiyiinta.

Hay’adda Ammaanka ee Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay in weerarku uu ka dhacay Koonfur-galbeed ee Dekedda Mokha ee dalka Yemen.

Weerarkii ugu horreeyay, markabka ayaa “la kulmay qarax meel u dhow markabka kaas oo ay dareemeen shaqaalihii saarnaa”, UKMTO ayaa sidaas ku sheegtay baraha bulshada ee Twitter.

“Weerarka labaad ee lagu qaaday markabka wuxuu ka koobnaa wax la rumeysan yahay inay ahaayeen laba gantaal, taasoo keentay khasaare.”

Waxaa la sheegay in markabka uu ka diiwaangashan yahay Jasiirada Seychelles “wuxuuna ka yimid Primorsk, Russia, una socday Vadinar, India”.

Af hayeenka Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa markii dambe ku sheegtay mas’uuliyadda weerarka qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter.

Waxa uu sheegay in Xuutiyiintu ay ku beegsadeen gantaal markabka saliidda qaada ee laga leeyahay UK (Andromeda Star), iyaga oo isticmaalay gantaallada badda.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay weerarka lagu qaaday markabka Andromeda Star, iyo sidoo kale markab kale oo lagu magacaabo MV Maisha.

Horseed Media