Xuutiyiinta oo markale Drone ku weeraray Israel

Published: November 7, 2023

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Isniintii shalay sheegay inay weerar Drone ku qaadeen Israel.

Warkan ay shaacisay kooxdan ayaan waxan weli ka jawaabin militariga Israel.

Todobaadkii hore ayey Israel sheegtay in labo goor ay soo rideen gantaalada Xuutiyiinta kusoo tuureen.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa bartiisa Twitter ku sheegay inay diyaaradaha Droneka ku weerareen Israel.

Waxay sheegeen in weerarkaasi uu hakad ku keenay dhaq dhaqaaqa saldhigyada Militariga iyo ciidamada Cirka ee Israel.

Xuutiyiinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarada ay la beegsanayaan Israa’iil inta ay socoto duqeynta lagu hayo Gaza.

Horseed Media