Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerar gantaallo ku qaadeen markabka diyaaradaha Maraykanka ee Eisenhower

Published: June 1, 2024

Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday markabka Eisenhower ee Mareykanka laga leeyahay oo marayay badda cas, taasoo jawaab u aheyd duqeymaha Mareykanka iyo Britain ay ka wadaan Yemen, sida uu Jimcihii sheegay afhayeenka milateriga Xuutiyiinta Yahya Saree.

Lix weerar oo ay fuliyeen Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lagu dilay 16 qof, 41 kalena waa lagu dhaawacay, oo ay ku jiraan dad rayid ah, ayuu Saree ku yidhi hadal uu ka sii daayay telefishinka.

Duqeymo ka dhacay gobolka Xudeyda ayaa lala beegsaday dekedda Salif, dhisme raadiye oo ku yaalla degmada Al-Hawk, xerada Ghalifa iyo laba guri, ayuu yiri Saree.

Militeriga Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay inay qaadeen khamiistii duqeymo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen, si ay uga hortagaan kooxda inay sii carqaladeeyaan maraakiibta mareysa Badda Cas.

Horseed Media