Xuutiyiintu oo sheegay inay bartilmaameedsadeen markab marayay Badda Cas ee nawaaxiga Israa’iil

Published: March 19, 2024

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen markabka MADO oo ku sugnaa badda cas nawaaxiga gobolka Eilat ee Israa’iil, sida uu sheegay afhayeenka milatariga kooxdaasi Yahya Sarea maanta oo Talaada ah.

Marka MADO oo sita calanka jasiirada Marshall-Island oo ah nooca qaada gaaska LPG ayaa ka yimid Sacuudi Carabiya. Xuuthiyiinta ayaa ku tilmaamay Markabkan mid laga leeyahay Maraykanka.

Mareykanka iyo Britain ayaa iyagana qaaday weeraro ka dhan ah Xuutiyiinta.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay Isniintii in ay burburiyeen 7 gantaal oo kuwa lidka maraakiibta ah, saddex diyaaradood oo ah kuwa drone-ka iyo saddex kunteenar hubka lagu kaydiyo oo ay lahaayeen Xuutiyiinta Yemen.

Horseed Media