Yaa ka danbeeyey weerarkii lagu gubey Suuqa Al-macruuf ee magaalada Bosaso?

Published: April 6, 2023

Habeenimadii Khamiistu soo geleysey, waxaa koox hubeysan ay weerar ku qaadeen Suuqa al-Macruuf ee magaalada Boosaaso, kaas oo ka mid ah dukaamada ugu waaweyn gudaha Puntland.

Ugu horreyn sida ay sheegayso xog ay heshey Horseed media, kooxdan ayaa toogtey waardiyihii, kadibna waxa ay beegsadeen qaybaha dukaanka ee ay taalo alaabta qaraxa sameyn karta waxaana ay gudaha ugu tuureen bambooyin.

Waxaa dhaawac soo gaarey qaar kamid ah shaqaalaha kale iyo dad ku sugnaa goobtaa, waxaana gebi ahaanba basbeelay suuqa al-macruuf, oo aad ugu nuglaa dabka marka la eego wakhtiga yar iyo sida uu u gubtey.

Yaa ka danbeeyey weerarkan?

Laamaha amnigu weli kama hadln cidda ka danbeysey, xog Horseed heshay ayaa sheegaya in weerarkan ay ka danbeeyeen kooxda argagxisada ah ee Daacish, kuwaas oo lacago baad ah ka qaada shirkadaha Puntland, waxaana dhici karta in al-Macruuf ay diidey in ay bixiso lacagaha baadaa ah ee ay ku nol yihiin kooxaha argagixisadu, tan waxay dhaawac ku tahay xukuumadda Puntland oo laga sugaayey in ay ilaaliyaan cashuur bixiyaasha dalka.

Kooxda weerarka soo qaadey ayaa baxsatey, mana jirin cid laga qabtey, inkasta oo ilaa hadda baaritaankodi socdo.

Horseed Media