Yemen: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Markab ay duqeeyeen Xuutiyiinta

Published: March 7, 2024

Xuutiyiinta ayaa Arbacadii shalay duqeeyey Markab Xamuulka qaada oo marayey meel 50 mile u jirta xeebta dalka Yemen.

Gantaalada nooca ridada dheer ayaa la sheegay inay Xuutiyiinta ku duqeeyeen Markabkan lagu magacaabo True Confidence oo ah nooca qaada xamuulka, kaas oo sitay calanka dalka Barbados.

Sadex qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyntan. Markabka ayey saarnaayeen 20 shaqaalo ah iyo 3 ilaaalo ah.

Waxaa la sheegay inuu dab qabsaday Markabkan kadib duqeynta Xuutiyiinta.

Shirkada Markabkan maamusha ayaa laga leeyahay Giriiga, balse Xuutiyiinta ayaa sheegay in Markabkan la xariirinayaan ganacsato Mareykan ah.

Xuutiyiinta oo labo maalin kahor soo saaray digniin ah in Maraakiibta badda Yemen mareysa ay marka hore “Ruqsad” weydiistaan maamulkooda, ayaa sheegay in Markabkan la duqeeyey uu ka dhego adeegay digniinaha loo diray.

Waa markii ugu horeysay oo ay dhimasho keento duqeynta Xuutiyiinta ee maraakiibta marta Gacanka Cadmeed, tan iyo markii ay weeraradooda bilaabeen bishii November. Waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan weeraradooda illaa inta laga joojinayo xasuuqa Israel ka wado Gaza.

Horseed Media