Yemen: Mareykanka iyo Britain oo 7 duqeymo cirka ah la beegsaday xeebaha Yemen

Published: April 11, 2024
Shares2

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay shalay gelinkii danbe ah in gobolka xeebta ee Al-Xudeydah ay ka dhaceen todobo weerar oo dhanka cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Mareykanka iyo Britain ay afar duqeymo ka fuliyeen deegaanka Al-Jabana ee gobolkaasi iyo saddex duqeyn oo gelinkii hore ee Arbacadii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Al-Xudeyda, sida uu baahiyay TV-ga Al-Masirah ee xiriirka la Xuutiyiinta Yemen.

Al-Xudeyda ayaa kamid ah gobollada ugu muhiimsan dalka Yemen, maadaama ay leedahay garoon diyaaradeed oo caalami ah iyo saddex dekedood oo muhiim ah, marka laga soo tago dhul xeebeed dheer.

Xuutiyiintu waxa ay bartilmaansanayeen maraakiibta laga leeyahay Israel ama ku sii jeeda dekedaha Israel ee ku yaala badda cas tan iyo markii ay Israa’iil duulaanka ku qaaday Gaza.

Iyadoo xulafada Israel ee Mareykanka iyo UK ay bilaabeen duqeymo aargoosi ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen, taasi oo keentay in Xuuthiyiinta ku dhawaaqaan inay u arkaan bartilmaameed militari dhammaan maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Britain.

Weeraradan ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in hakad weyn uu ku yimaado isu socodka badda ee mid ka mid ah marinada ugu mashquulka badan caalamka ee Maraakiibta shidaalka.

Horseed Media