Yoolalka Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay Oo Lagu Fashilay

Published: September 21, 2023

Xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa Koonfurta Adduunka iyo awoodaha dhaqaale ee reer galbeedka ayaa hareeyay shirkii Qaramada Midoobay ee New York. Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ka hadlay shir madaxeedka, isagoo soo jeediyay hindiseyaal lagu beddelayo isbeddelka, isla markaana la isu soo dhaweynaayo dalalka Koonfurta adduunka iyo kuwa horumaray.

Sanadkii 2015, Qaramada Midoobay ( QM ) waxay isku raacday 17 yoolal horumarineed eewaara ( SDGs ), oo lagu soo koobay Ajendaha 2030. Sida ku cad yoolalkan, waa in adduunka laga ciribtiro gaajada iyo faqriga marka la gaaro 2030, dhammaan dadkuna ay helaan waxbarasho , Biyo nadiif ah, iyo tamar la isku halayn karo. Sinnaanta jinsiga iyo xaddididda kor u kaca heerkulka caalamiga ah oo aan ka badnayn 1.5 darajo Celsius (2.7 darajo Fahrenheit) ayaa sidoo kale ku jiray liiska.

Hadda, marka la gaaro kala barkii, waxa durba caddaatay in aan inta badan yoolalkaas la fulin doonin. Warbixin gaar ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in qiyaastii 30% yoolalka la dejiyay aysan arag wax horumar ah ama isbedello. Haddii dunidu ku sii socoto jihada hadda jirta, Qaramada Midoobay waxay ku qiyaastay in, in ka badan 600 milyan oo qof ay gaajo la kulmi doonaan 2030-ka iska dhaaf in la cirirbtiro gaajada.

Hadafku run ahaantii waxay ahaayeen kuwo wanaagsan oo hami leh, laakiin waxay ku gaari lahaayeen rabitaan siyaasadeed oo sax ah, taas oo aan marnaba dhicin, dowladaha ballankan qaadeyna aysan fulin.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay “qorshe samatabbixin” oo loogu talagalay SDGs.

“Yoolalka Hormarinta waara kaliya maaha liis hadafyo,” Guterres ayaa yiri. “Waxay xanbaarsan yihiin rajada, riyooyinka, xuquuqda iyo rajada dadka meel kasta oo ay joogaan, adduunkeena barwaaqada ah, gaajadu waa naxdin ku wajahan bini’aadantinimada oo xad-gudub ku ah xuquqaha aadanaha, waa eedayn qof kasta oo naga mid ah dusha ka saaran in malaayiin qof ay gaajo u dhimanayaan. waayahaan la joogo” ayuu yiri.

Horseed Media