Zimbabwe: Madaxweyne Mnangagwa oo ku guuleystay doorashada iyo mucaaradka oo diiday natiijada

Published: August 27, 2023

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ku guuleystay markii labaad xafiiska, natiijada doorashada ayey qaadaceen mucaaradka, waxaana su’aalo ka keenay kormeerayaasha doorashada.

Mnangagwa ayaa ku guuleystay 52.6 boqolkiiba codadkii la dhiibtay halka 44% uu helay Nelson Chamisa, oo ah musharraxa ugu weyn ee la tartamayey, sida ay muujineyso natiijada rasmiga ah ee uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Zimbabwe (ZEC) shalay galinkii dambe.

Doorashada ayaa waxaa hareeyay dib u dhacyo sababay in mucaaradka ay ku eedeeyaan musuq maasuq iyo caburin balse koox yar oo taageersan xisbiga talada haya ayaa u dabaaldegay natiijada markii lagu dhawaaqay sabtidii.

Mnangagwa oo xilka kala wareegay hogaamiyihii mudada dheeraa Robert Mugabe kadib afgambigii ay ciidamada sameeyeen sanadkii 2017-kii, ayaa si weyn loo saadaalinayay in mar kale lasoo dooran doono, maadaama xisbi xaakimka ZANU-PF, uu dalka xukumayey tan iyo markii uu xornimada qaatay iyo dhamaadkii xukunkii gumeystihii 1980kii.

Horseed Media