Fanaanad Saado Cali Warsame oo Muqdisho lagu diley

Published: July 23, 2014

Saado IMG_0041 (6)

Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu diley Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ahayd fanaanad Qaran. Xildhibaan Saado oo la socotey gaari yar ayaa koox hubeysan gaari ku horgoyeen gaarigeeda oo maraayey waddada Maka almukarama oo ah goobaha ugu amaanka badan Muqdisho, waxaana ay rasaas oodda uga qaadeen Xildhibaanada ilamaa aay ku naf baxdey goobtaas.

Saado Cali Warsame ayaa lagu yaqaaney in ay garab istaagto cid kasta oo la dulminaayo uguna hiiliso carabkeeda, laga soo bilaabo 1989 oo ay heeso badan ku garab istaagtey dadkii ay markaas aaminsaneyd in la dulminaayo.

Xildhibaan Saadi Cali ayaa ahayd fanaanad Qaran oo ka tirsanaan jirtey hobolada Waabari tan iyo todobaadanaadkii, waxa ay ku dhalatey Gobolka Cayn halkaas oo qoyskeedi ka soo jeedo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayey ku biirtey sanadkii 2012, waxaana ay a mid ahayd Xildhibaanada Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.

Waa Xildhibaanadii u horeysey ee haween ah oo magaalada Muqdisho lagu dilo.

Dilka Xil. Saado Cali Warsame ayaa noqdey mid si weyn looga argagaxay.

Horseed Media
News Desk