10 Xildhibaan oo lagu doortay Dhuusamareeb, Garoowe iyo Muqdisho

Published: January 27, 2022

Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashada 10 xubnood oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.taas oo ka kala dhacday magaalooyinka Dhuusamareeb, Garoowe iyo Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo ay yaallaan kuraasta gobollada waqooyi ee maamulka Soomaaliland.

Doorashada oo kadhacday dhacday hoolka dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska ee Jeneral Kaahiye ayaa maanta lagu doortay saddex Mudane oo kala ahaa:

Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HoP#244;

Xildhibaan Ifraax Maxamed Cawad oo ku guuleystay kursiga sumaddiisu tahay HoP#037;

Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo ku guuleystay Kursiga tirsigiisu yahay HoP#238.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu doortay saddex Mudane oo kala ah:

Xildhibaan, Saadaq Cumar Xasan (Joon) oo ku soo baxay kursiga Sumadiisa tahay HoP#248.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali oo ku oo ku guuleystay Kursiga Sumadiisu yahay HoP#064.

Qaali Axmed Diiriye oo ku guuleestay kursiga tirsigiisu yahay HoP#096 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya..

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Gobaleedka Puntland ayaa waxaa lagu doortay saddex Mudane oo kala ah:

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxamaan Axmed Xalayle ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#128 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya .

Xildhibaan Xirsi Jaamac Gaani oo asne ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#223 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#232 ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.

CabdiQafaar Cilmi Xaange ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#144 ee golaha shacabka ee ee golaha shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *