Hay’adda wadaniga ah ee TADAMUN oo yeelatay hogaan cusub

Published: February 23, 2012

Hay`adda Wadaniga ah ee Tadamun ayaa maanta loo magacaabay Guddoomiye Cusub, waxaana xarunteeday weyn ee Boosaaso ka dhacay munaasabad xilwareejin ah oo ay kasoo qayb galeen labadeeda gole ee Guddiga Sare (BOD) iyo kan Fulinta. Guddoomiyaha BOD ka Mudane C/rashiid Sulaiman Yusuf ayaa ku dhawaaqay go`aanka magacaabista Guddoomiyaha Gudiga Fulinta (Executive Director) ee cusub, waxaana xilkaas loo magacaabay C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Guddoomiyaha xilka wareejiyey ee C/laahi Sheikh Hassan.

C/laahi Shiek Xasan ayaa Xilka ku wareejiyey C/raxmaan C/risaaq, waxaana xusid mudan in C/raxmaan uu noqonayo Guddoomiyihii 5aad ee xil kasoo qabta Hay`adda Wadaniga ah ee Tadamun ilaa asaaskeedii 1992.

C/laahi Sheikh Hassan ayaa ku tilmaamay C/raxmaan C/risaaq nin dhallinyaro ah lehna khibrada iyo Aqoonta uu ku maamuli karo Hay`adda Tadamun maadaama uu kasoo shaqaynayey muddo dheer.

C/raxmaan C/risaaq wuxuu ka baxay Kulliyada Maamulka iyo Maaraynta ee Jaamacadda Bariga Africa, wuxuuna dhowaan ka qalinjebinayaa Master of Business Administration ee Jaamacada Open University of Malaysia faraceeda ku yaala Jaamacada Muqdisho, Puntland Branch. Wuxuu kaloo qaatay tababaro ku aadan hogaaminta iyo maamulka oo Dal iyo debadba leh.

Guddoomiyaha Cusub ayaa looga fadhiyaa inuu sii wado mashriicda horumarineed ee Tadamun looga bartay, kuna soo daro Hal abuur cusub.

Hay`adda Tadamun ayaa horumar weyn ka samaysay Gobollada Puntland iyadoo ka hergelisay Mashaariic Waxbarasho waxayna maamuushaa iskuulada ugu waaweyn ee Puntland iyo mashriic kale oo fara badan.

Horseed Media