Yaa hortaagan xuquuqda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare?

Maalmihii u danbeeyey waxaa magaalada Xamar ee gobolka Banaadir ka taagnaa qaylo-dhaan, banaanbaxyo iyo cabashooyin lagu sheegayo in la hortaagan yahay xuquuqdii Gobolka Banaadir, eedaha ugu badan ayaa loo jeedinayaa Beesha caalamka iyo mid ka mid ah Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed oo dadka qaarkiis afka soo marinayaan in ay tahay Puntland, sido kale qaar ka mid ah saxaafadda Koonfurta Somaaliya ayaa eedeyntaas u jeedisey Puntland.

Haddaba maxaa ka jira eedeyntaas? Yaa ka hor istaagey Aqalka sare in gobolka Banaadir xubno ku yeesho?.

Tan iyo dhamaadkii sanadkii 2015 waxaa dalka Soomaaliya ka bilowdey shirar looga tashanayo geeddi socodka doorashooyinka 2016, marba heer ayey soo mareen, waxaana ugu muhimsanaa shirarkii Wadatashiga ee maamul goboleedyada dadka ku dhaqan lala yeeshey taas oo lagu kala qaybsamey nidaamka qabiilka hala qaato iyo kan degmooyinka hala qaato.

Shirkii Kismaayo bishii Diseember ee ay isugu tageen hoggaamiyaasha maamul goboleedyada iyo Madaxda Federaalka Soomaaliya ee lagu ballamey in lagu go’aamiyo nidaamka doorasho, waxa uu noqday mid fashilmey, sababta u weyn ayaa ahayd midka la dooranayo natiijadii ka so baxdey wadatashigii bishii Nofeember lala yeeshey qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed.

Puntland iyo Jubaland oo diidanaa in dib loogu noqdo nidaamka qabiilka ayaa tanaasul ka sameeyey isla shirkaas waxaana ay so jeediyeen in Aqalka sare lagu soo xulo nidaamka gobalada ee 18 gobol oo si siman loo qaybsado, taasi oo ah sida uu Dastuurka qorayo. Halka Aqalka hoose la qaato nidaam isku dhafan, waxaa taas ka soo horjeestey Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeedka oo taageero ka helaya Dowladda Federaalka, iyada oo Madaxweyne Xasan Shiikh dhamaadkii shirka si toos ah u hoggaamiyey fikirka ah in dib loogu noqdo nidaamkii 4.5.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa ku adkeystey in Aqalka sare lagu soo xulo nidaamka Dowlad Goboleedyada jira, markaas danta u weyn ee laga lahaa ayaa ahayd mid loogu danaynayo Dowlad Goboleedka Galmudug oo aan buuxin shuruudii Dowladnimo isla markaana ka kooban gobol iyo badh, taas oo ay ku heli karaan saami la mid ah Dowlad Goboleedyada kale ee ka kooban laba gobol iyo ka badan.

Dowladda Federaalka ayaa Beesha Caalamku awood u siisey in ay go’aan ka gaaraan khilaafka, waxaana go’aankoodi noqdey, in Aqalka Hoose ee Baarlamaanka (Golaha Shacabka) hadda jira lagu soo xulo sidii uu ahaa markii hore ee nidaamka 4.5, halka Aqalka sare lagu so xulayo Dowlad Goboleedyo si siman u qaybsada iyada oo tixgelin la siinayo Puntland iyo Somaliland.

Dowladda Puntland arrintaas waa qaaddacdey iyada oo ku doodeysa in aan 4.5 wax lagu qaybsan Aqalka sarena ay ku yimaadaan 18 gobol oo Banaadir ku jirto, sidoo kale waxaa Puntland qaadacdey shirkii Turkiga, waxaana muuqatey in Puntland la’aanteed aysan doorasho dhici karin haddii ay dhacdona noqoneyso wax aan loo dhameyn, go’aamadii kasoo baxay shirkii Turkiga ayaa ahaa in Puntland la raadiyo oo weliba Dowladda Federaalku hormuud ka noqoto.

Ugu danbeyntii Shirkii Garoowe bishii Abril 2016 Puntland waxay oggolaatey go’aamadii Dowladda Federaalku gaartey ee ahaa 4.5 iyo Aqalka sare oo lagu so xulo nidaamka Dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka. Dowlada Puntland ayaa ku dhiiratay inay go’aankaas qaadato xili Shacabka Puntland si weyn uga soo horjeedeen 4.5. Waxaa heshiiska Garoowe dhigaayey qaab hoose oo farsamo oo doorashadu u dhici karto, waxaa loo yeelay markhaantiyaal iyo damaanad qaadayaal, Shirkii 12 Abril Muqdisho ka dhacay ayaana lagu wada saxiixey heshiiska.

Marka aad akhridid qoraalkan oo dhamaantiis ah taariikh radkeedu qoyan yahay, oo leh markhaantiyaal iyo caddeymo ayaa habboon in la isweydiiyo cidda Gobalka Banaadir ka reebtey Aqalka Sare?

Gobolka Banaadir oo ay ku taalo Caasimadda, waxaa Dastuur kasta lagu qorey in loo samaynayo maqaam gaar ah kaas oo aan marna la fulin!

Waxaa u hadla odoyaal magac beeleed ku hadla kuwaas oo sheega in aan beelo gaar ah mooyee cid kale wax ka noqon karin Banaadir, mararka qaarkoodna Beesha caalamaka 48 saacadood u qabta in ay uga baxaan, Madaxweynaha dalku waxa uu horey u sheegay in Muqdisho ay dalka u dhexayneyso oo aaney ka mid noqoneyn maamul goboleedyada!.

Haddaba haddii la diidey qorshihii Puntland ee ahaa Aqalka sare halagu qaybsado 18 gobol, Banaadirna laga reebay Dowlad Goboleedyada yaa gardaran, yaa duudsiiyey xaqeeda? Maya lama duudsiin ee Banaadir waxaa la geliyey qorshaha labaad ee Madaxweyne Xasan Shiikh.

In heshiis la gaaray oo ah heshiis siyaasadeed dib loogu celiyo Baarlamaanka oo markii hore laga boodey waxaa iska lahaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka waayey go’aamadii madasha sida uu rabey ee ahayd muddo kororsi, waxaana uu daaha gadaashiisa ka maamuley cagajiidka heshiiskii la gaarey.

Gobolka Banaadir in laga reebo maamul goboleedda waxaa masuuliyaddaas iska laha afkiisana ka sheegey Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana ay ahayd qorshe kale iyo gor-gortan kale ee uu ciyaarayey.

Haddaba aan mar kale is weydiino yaa hor taagan xuquuqda gobolka Banaadir? Ma Puntland? Mise Puntland waaba u doodey markii ay tagneyd 18 gobol wax halgu qaybsado, markaasna Puntland waa lagu canbaareeyey oo odoyaasha Muqdisho ka mudaaharaadaya waxay yiraahdeen sadbursigii ayey raadinayaan ee 8 gobol ee ka horeeyey Siyaad Barre (AUN), wax halgu qaybsado. Taas oo ay Puntland lafteed ogoleyd.

Waxaa la yaableh in isla Kooxdii shalay diidaneyd in Gobalka Banaadir Aqalka Sare lagu daro oo u ololeenaysay 4.5 oo uu Madaxweynaha hogaaminayey ay isla iyagii maanta Muqdisho ka wadaan dad kicin ah in Gobalka Banaadir xaquuq la duudsiiyey, waxaa xusid mudan in odayaasha 48 saac u qabtay Beesha Caalamka iyo Maamulka Gobalka Banaadir intuba laga hagayo Villa Somaliya.

Banaadir-Guddoomiye-Mudaharaad

Tani ayaa u muuqata in danaha ugu muhiimsan oo ciyaartan siyaasadeed laga leeyahay ay isugu soo biyo shubaneyso in wakhtiga laga dhumiyo ummada Soomaaliyeed dibna loo dhigo Doorashada oo muddo kororsi la xalaaleysto.

Ugu danbeyntii Muqdisho waxay ahayd magaalo la wada dhistey oo caasimaddii dalka ah dagaaladii sokeeye kadib wejigii ay lahayd waa is bedalay ilaa iminkana muuqaal ka duwan kii ay lahayd ayey leedahay, waxaana lagama maarmaan ah in loo yeelo waji caasimadeed ama la kala tashado.

ismail Haji Said