Magaaladda Galkacayo oo Laga Hirgaliyay Akadeemiyada Kubadda Cagta

Published: January 2, 2017

Magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug waxaa laga hergaliyaay Akadeemiyada ciyaarta Kubadda ee Gaalkacyo (Galkaio football Academy) oo ah xaruun Laga tababaro 150 dhalinyaro da`yar oo u dhaxeeya 12 jir ilaa 17 jir,

Cabdiqani Carabey oo Akadeemiyada ka hirgaliyay magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in ujeedada loo yagleelay ay tahay sidii loo saari lahaa dhalinyaro xirfaooda ciyaareed ay wanagsan tahay iyo dhalinyarada laga badbaadiyo muukhaadaraadka, kufsiga tahribta iyo wixi la mid ah kuwaasi uu sheegay in waayahan ay ku soo badanayeen gobolka Mudug

“Tababaradawaxaa bixinaya macalimi Aqoon u leh Soo saarida dhalinyarada ciyaaraha Sida macaliminta Gobolka Mudug Mohamed abdalla Adan, macalin ilyaas abdinur, macalin Ibrahim Abdi Ali waxaana ay tababarayaan Dhalinyarada yaryar oo cadadkoodu gaarayo 150″ ayuu yiri Cabdiqai

Wuxuu sheegay in 30 kii bishii july ee sanadkii hore ay fureen akadeemiyadda, balse xiligaas ayan wax qalab loo hayn oo lagu bilaabay niyad wanaag iyo dadaal dheeraad ah oo aanu muujinay

” markii aanu furnay akeedimiyada wax qalab looma hayn, Laakiin Jaaliyada Australia diaspora Melbourne, oo ay u horrayso Hoyo Safiyo iyo zamzam hange ayaa u soo dhiibay Qalab sports oo kala duwan” ayuu yiri

” Dhalinyaradu waxaanu ku qalabeenay dharkii aalamiitada, Funaanado, kubado , Caagadi lagu aalamiiteeyo, taasi oo bilow u noqotay in tababarada lagu siiyo dhalinyarada oo niyad wanaagsan u noqotay” ayuu sii raaciyay Cabdiqani Carabeeya

Dhinaca kale, Macalin maxamed Cabdale oo ka mida macalimiinta Tababarka siinaysa dhalinyarada wuxuu sheegey in 150 dhalinyarada ee ay gacanta ku hayaan laga soo dhex xuli doono 70 dhalinyaro oo ah kuwa xirfadoodu sarayso, wuxuuna sheegay inay juhdi badana galiyeen sidii dhalinyaradan ay uga dhigi lahaayeen ciyaartoy Xirfadlayaal ah.

wuxuu u mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deeqda soo gaarsiiyay akadeemiyda, wuxuuna ka codsaday jaaliyadaha kale inay taageero u soo fidiyaan akadeemiyada si buu yiri loo dhiso dhalinyarao jir iyo maskax caafimaad qabta leh, mustaqbalkooduna u wanaagsanaado

Gabagbadii, Waa markii Ugu horeeysay ee degaamadda Puntland laga hergaliyo Akadeemiyo u gaar ah Ciyaaraha kubadda cagta,taasi oo lagu tababarayo dhalinyarada ku nool magaaladda Galkacayo iyo degaamada ku hareeraysan.

W/Diyaariyay: Cabdullaahi Maxamuud Aadan

Galkacayo , Puntland, Somaliya

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *