Taliska ciidanka badda Puntland oo ka warbixiyey howl galo ay ka sameeyeen xeebaha-Dhegayso

Published: January 8, 2017

Taliska ciidanka badda Puntland-Soomaaliya ayaa ka hadlay howl galo dhawaan ciidanka badda ay sameeyen degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Howl galkaasi ayey ciidanka badda Puntland ku soo qabteen doonyo nooca kalluumeysiga ah, isla markaana xeebaha Soomaaliya si sharci darro ah uga kalluumysanayey.

Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax taliyaha ciidanka badda Puntland ayaa sheegay in ay qabteen laba doonyood oo laga leeyahay dalka Yemen, kadib markii dadka deegaanka ay u soo wargeliyeen.

..Way dagaalameen ilaalo hubeysan ayaa saarnaa doonyaha kalluumaysiga sharcidarada ah waday, waxaana dhaawacyo ka soo gaartay rasaastii aan isweydaarsaneynay laba ka mid ah illaaladii saarnaa labada doon ayuu yiri Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax .

Taliyaha ciidanka badda Puntlanda ayaa sheegay in ay sharciga horgeyn doonaan shaqaaaha iyo doonyaha ay qabteen.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *