Kooxda Bosaso FC oo si weyn loogu dhaweeyey Bosaaso – VIDEO

Published: January 10, 2017

Magaalada Bosaaso ayaa maanta soodhaweyn balaaran loogu sameeyey Ciyaartoyda Naadiga Bosaso FC oo kamid ah Naadiyada heerka kowaad ee ka qeyb qaadanaya Horyaalka kubada Cagta ee Puntland oo todobaadkan bilowday.

Kooxda Bosaaso FC ayaa dib uga soo noqotay magaalada Garowe, halkaasi oo Axadii laga furay Horyaalka Puntland, waxayna ciyaartoodii ugu horeysay la yeesheen kooxda Comsed FC ee magaalada Gaalkacyo oo ay uga badiyeen 2-1.

Ciyaaraha Horyaalka Puntland ayaa hada u wareegaya in lagu ciyaaro Garoonada iyo magaalooyinka saldhiga u ah 9ka Kooxood ee Horyaalkan ku loolamaya.
Waa soodhaaweyntii ugu balaarneyd oo loo sameeyo mid kamid ah kooxaha ka qeyb qaadanaya horyaalka taasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Waa markii ugu horeysay oo Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya iyo Puntland bilaabaan ciyaarahan, iyadoo horey horyaalka kubada Cagta looga ciyaari jiray magaalada Muqdisho oo kaliya.

Xiriirka kubada Cagta ee Soomaaliya ayaa qorsheenaya in ciyaaraha Horyaaladada ka dhacay gobalada dalka ay aasaas u noqdaan mustaqbalka Kooxda Xulka Qaranka Soomaaliya.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *