USA: Trump oo wiilka uu Soddoga u yahay xil u magacaabay – VIDEO

Published: January 10, 2017

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa Lataliye u magacaabay Wiilka uu Soddoga u yahay oo kamid ahaa guddigiisii ololaha doorashada.

Wiilkan oo lagu magcaabo ayaa kasoo jeeda Qoys maalqabeen ah oo Yuhuud ah, wuxuuna kamid ahaa xubnihii sida weyn uga qeyb qaatay ololihii doorashada ee Trump.

Mr.Kushner ayaa la sheegay in arrimaha uu qaabilsan yahay ay kamid yihiin Latalinta dhanka arrimaha Bariga Dhexe iyo Heshiisyada Ganacsiga.

Xilka loo magacaabay ayaa ah Lataliyaha Madaxweynaha, waxaana horey loo filayey in xil noocaan ah loo magacaabi doono maadaama uu yahay xubnaha faro ku tiriska ah ee uu Donald Trump sida gaarka ugala tashado go`aanada uu qaato.

Balse waxaa soo baxaya guux kasoo yeeraya Xisbiga Mucaaridnimada isu diyaarinaya ee Dimuquraadiga kaasi oo ka digaya Madaxweynaha inuu jabiyo sharuucda u yaal dalkaasi Maraykanka ee madaxda dowlada ka mamnuuca inay wax xilal ah u magacaabaan xubno kamid ah qoyskooda.

Hase yeeshee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku doodaya in sharuucdaasi ay la xariirto oo kaliya xilalka golaha Wasiirada balse Madaxweynaha u madax banaan yahay ciduu u dhiibayo xilalka ku kooban Madaxtooyada Aqalka Cad.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *