Muqdisho:-Doorashadda Guddoonka Barlamaanka Federaalka oo Bilaabatay

Published: January 11, 2017

Doorashadda guddoonka Barlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhweyd si toos ah uga bilaabatay Xarunta gollaha shacabka ee magaaladda Muqdisho, halkaasi oo lagu dooran doono guddoomiyaha cusub ee barlamaanka afarta sanno ee soo socoto

In kabadan 250 xildhibaan ayaa soo xaadiray doorashadda guddoonka barlamaanka, waxayna kala dooran doonaan Afar murashax oo u taagan xilka guddoomiyaha barlamaanka oo kala ah Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Cabdirashiid Maxamed Xiddig, , Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar.

Dhinac kale, Doorashadda oo toos looga daawanayo meel badan oo adduunka ayaa sidoo waxaa la dooranayaa guddoomiye kuxigeenadda barlamaanka oo ay u sharaxan yihiin in ka badan 16 xildhibaan ayaa waxaa ka dhex jira loolan adag oo u dhexeeya xildhibaanada tartamaya iyo kuwa taageersan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *