Suxufiyad Booqatay, Raashina Gaarsiiyay Dadkii Abaartu Saamaysay-Sawiro.

Published: January 11, 2017

Degaamadii abaartu saamaysay ee gobolka Bari, waxaa booqatay suxufiyad Faadumo Yaasiin Jaamac oo gaarsiisay 500 qoys oo ka mid ahaa dadkii abaartu saamaysay raashin iyo agabyo kale oo aad loogu baahnaa.

Faadumo yaasiin oo ka howlgasha Idaacadda VOA, waxay ka sheekaysay waxyaabihii ay ku soo aragtay degaamadii ay booqatay iyo dadkii ay la kulantay

“Waxaana jira caqabado dhinaca nolosha ah oo dadkaas soo wajahay oo ay u horayso biyo la,aan maadaama dhulka ay degeen ay ku yaryihiin ceelbiyoodyada, waxaa kaloo jira nadaafad daro ay sabatay dhimashada Xoolaha oo xerada iyo gaadiidkaa dushiisa ku dhinta caato iyo tabardaro darteed, dadka qaarkiis ma haystaan Cunto iyo hooy ay kaga gabadaan Qoraxda roobka iyo Dhaxanta” ayay tiri Faadumo Yaasiin Jaamac, waxayna sii raacisay

“Waxaan Booqaday Deegaanka ay xaaladaasi ka jirto 500 boqol oo qoys oo isugu jira dadka degaanka iyo kuwa gobalada kale ee soomaaliya, waxaan gaarsiiyay raashin ka kooban sonkor, bur, bariis, saliid. buskut, iyo Doorshe. mucaawinadas oo ay ku deeqeen ganacasato iyo aqoonyahano ku sugan Wadamad carabta sida Cumaan, Imaaraadka Carabta iyo magaalad Boosaaso” ayay tiri

Faadumo Yaasiin Jaamac waxay sheegtay in dadkii abaartu saameysay ee ay la kulantay ayaa u sheegeen in mucaawinadu ay soo gaartay xili ay u baahnaayeen, waxayna si aada ah ugu mahadceliyeen shakhsiyaadkii deeqdaan ee ii soo wakiishay.

Gabagabadii, Boqolaal kun oo qoys oo soomaaliyeed ayaa waxaa saamaysay abaartu daran oo ku dhufatay dhamaan degaamadda Soomaaliyeed, iyadoo degaamo kooban oo roobabku ka da`een ay u soo naqraaceen in ka badan 7000kun oo qoys oo ka kala yimid degaamo kala duwan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *