Muqdisho:16-Musharax oo u Tartamaya doorashada Guddoonka Aqalka Sare

Published: January 20, 2017

Iyadoo maalinimadii shalay la soo gabagabeeyay qabashada codsiga araajida murashixiinta u tartamaya guddoonka aqalka sare, ayaa Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonkawaxay soo bandhigeen liiska magacyada 16 murashax oo u taagan guddoonka aqalka sare.

16-Musharax ayaa isku soo taagay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashadaxildhibaan Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) ,waxaana ka mid ah murashixiinta isugu taagay guddoonka Abdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mustafe Maxamed Qodax.

Musharaxiinta Guddoomiyaha Aqalka Sare.

  1. Abdi Xaashi Cabdullahi.
  2. Mustaf maxamed Qodax

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka koowaad.

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan

Gabagabadii, Sida uu dhigayo jadwalka doorashada aqalka sare, 22 bishan janaaury ayaa lagu wadaa in la doorto guddoonka aqalka Sare, iyadoo murashixiintuna ay khudbadoohada jeedin doonaan maalinta beri ah oo ku beegan 21 bishan janaayo.

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *