Xog gaar ah: Musharaxiin la yimid hab cusub oo lagu ogaanayo Xildhibaanku qofka uu u codeeyey.

Published: February 4, 2017

Maalinta Arbacada ah ee todobaadkan waxaa Soomaaliya ka dhacaysa doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa dooranaya Xildhibaano ka badan 320 oo kamid ah 329 mudane ee ay ka kooban yihiin labada aqal ee Jamhuuriyadda.

Maalmihii u danbeeyey waxaa soo baxaayey in ay doorashada faro-gelin toos ah ku hayaan qaar kamid ah dalalka deriska oo ay ugu horeyso Itoobiya. Sida Horseed Media ogaatey waxaa Muqdisho soo gaarey todaabkii hore xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka ee Itoobiya ee magaceeda loo soo gaabiyo NISS iyo diblomaasiyiin kale kuwaas oo taageero xoogleh siinaya Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale doonaya in uu xafiiska ku soo laabto.

Waxaa si weyn looga digey in doorashadu noqoto mid musuq-maasuq ku dhacda ama la kala iibsado codadka Xildhibaanka. Musharixiin badan oo kamid ah 24 Musharax ee u taagan xila Madaxweynaha ayaa haysta laba dhalasho, dalalka Maraykanka iyo Ingriiska ayaa sheegay in kuwa haysta baasabooradooda ay ku ciqaabi doonaan haddii ay qayb ka noqdaan doorasho musuq-maasuq ah.

Waxaa horey u dhici jirtey in Xildhibaanku uu go’aankiisa qaato markii uu qalinka dul saaro warqadda lagu dooranayo Madaxweynaha waxaana in badan ay dooran jireen qofka ay is leeyihiin waa ku habboon yahay, isaga oo ay dhici karto in uu ballan la galay Musharax kale oo codka doonaya in uu lacag uga iibsado.

Tabaha horey loo itsicmaaley waxaa kamid ahaa in Xildhibaanka la dhaariyo oo kitaab gacanta loo geliyo. Arrinta dhaarta ayaa noqotey mid aysan isku haleyn karin musharixiintu maadaama qaar kamid ah Culimada waaweyn ay sheegeen in dhaartasi tahay baadil aan waxba ka jirin.

Itoobiya oo keentey hab cusub

Haddaba waxaa jirta xog soo gaartey Horseed Media oo wel-wel culus ku abuurtey qaar kamid ah Xildhibaanada.

Mid kamid ah Xildhibaanada taageersan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si hoose Horseed Media ugu sheegay in kooxda ka socota sirdoonka Itoobiya ay qorshe cusub keeneen. Wuxuu sheegay in Xildhibaanada loo sheegay in loo qaybin doono qalab yar oo ay sawir uga qaadayaan warqadda, sawirada lagu qaado qalabkaas ayaa ku xiran Cloud Server kale oo markiiba laga arki kari qofka uu u codeeyey, qalabkan ayaa isugu jira okiyaale, Saacado device-yar oo kale Telefonka gacanta iyo welibaQalimaan. Nidaamkan waxa aad ugu kalsoonaadey musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo wel-wel xooggan ka qabey doorashadii shirguddoonku in ay u dhacdey si aanu dooneyn. Doorashadaas ayaa Xildhibaanada lagu amrey in ay u codeeyaan Xildhibaan Xiddig iyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir waxaa lagu amrey in ay qaataan laba teleefon mid ay iska reebaan iyo mid ay gudaha la galaan oo sawirku soo qaadaan, taas oo an u dhicin sidii la rabey, waxayna horseeday in ay ku fashilaan doorashada.

Cloud Server

Xildhibaanka xogta siiyey Horseed Media ayaa sheegay in guddiga doorashada ay la gudboon tahay in ay wax ka beddelaan qolka Xildhibaanku codkiisa ku dhiibanaayo. Wuxuu soo jeediyey in Xildhibaanadu ku codeeyaan meel aan xirneyn oo daah lahayn iyaga oo sii jeeda dadkuna arkaayo si qalabkaas casriga ah ee ku xiran Server Cloud yaala meel kale aysan suurta gal ugu noqon in doorashada sirdoonka Itoobiya ku maamulaan.

Haddii doorashada madaxweynuhu u dhacdo si lamid ah kuwii hore ee Xildhibaanadu ay ku codeeyaan daaha gadaashiisa, ama aan lagu sameyn baaritaan culus waxaa markhaanti ma doonto ah in ay hirgeleyso qaabka sirdoonka Itoobiya ay ugu talo galeen in ay u dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa la is weydiinayaa doorka guddiga anshaxa iyo ilaalinta doorashadu iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen, xogtan cusub ee sheegaysa in codbixyaashu ay qalab casri ah ku sawirayaan warqadda ay ku codeeyeen taas oo markiiba ku dhacaysa meel kale oo ka baxsan gacantiisa.

Hussein Farah
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *