Cumar Cabdirashiid: 60% Ciidamada Amisom 300km oo Kaliya ayay Ka Howlgalaan

Published: February 5, 2017

Ra`isul Wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana ah murashax u taagan doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa khudbadii uu u jeediyay xubnaha labada aqal ee barlamaanka Federaalka wuxuu ka hadlay barnaamijkiisa Siyaasadeed ee uu ku hoggaamin doono dalka haddii la doorto.

Khudbadiisa wuxuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin khibradiisii Siyaasadeed oo uu sheegay inuu labo jeer uu noqday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo safiir, wuxuuna sheegay inuu aaminsanyahay inuu khibradiisa looga baahanyahay hoggaaminta dalka xiligan kala guurka ah.

wuxuu sheegay in xooga saari doono xasilinta dalka iyo wax ka qabashada amni darrada, Dhismaha ciidamo qaran oo isku dhafan,

“amniga waa muhim, isku dhafnaan la`aanta ciidamadu cunaqabateynta ayeey xoojinaysa, dowladaha Amisom hadda ku jiraa waxaa ka mid ah kuwa safka hore, arrintaasi waxay keentay in ciidamadani 60% 300 km ayeey ka shaqeeyaan arrintaasina waa wax wax laga qabto” ayuu yiri

Murashax cumar Cabdirashiid wuxuu kaloo khudbadiisii kaga hadlay arrimah federaalkiisa, Wadahadalada Soomaaliland iyo go`aankii ICJ ee Badda iyo Heshiiskii MIO ee kiiniya lala galay

” Ma ah in federaalku dadka sii kala fogeeyo , sidii mudadii hada aan joogay aan isugu wadnay dowladd goboleedyada iyo dowladda federaalka aan isugu wadno.” ayuu yiri

wuxuu u mahadnaqay guddigii qareenada ee difaacayay dacwadii badda ee Hegue, waxaana uu ku tilmaamay go`aankii maxkamada guul u soo hoyotay ummada Soomaaliyeed oo dhan

“arrinta MOU-yada sida khaldan loo fasiray, oo aan aminsanahay in Maxkamadu adduunku u cadaalad fashay, markii ay cayday in arrinta heshiiska Is-afgarad uusan ku saabsanayn Xuduud badeed, ee loo qoray inaan marna Kenya is-hortaagin inaan codsano qaarad qalfoofka badda in Somaliya Hesho, waxaan la idiin sheegin” ayuu yiri cumar Cabdirashiid

” waxaan ka soo jeeda qoys siyaasadeed, waxaan ka soo jeeda qoys dalkan calankiis iyo xoriyadiisii keenay, una dhintay, markaa sideedaba wax i xiraya ayaa jira” ayuu sii raaciyay.

Gabagabadii, Cumar cabdirashiid wuxuu ballanqaaday in haddii xildhibaanada codka siiyaan in xukuumadda uu soo dhisi doono ay la dhamaystan doonto mudada afarta sanno ee uu Xilka Hayo

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *