Baarlamaanka Soomaaliya oo dooranaya Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda

Published: February 8, 2017

Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuriyadda federaaliga ah ayaa maanta oo Arbaca ah kuna beegan 8 Feberaayo dooranaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Xildhibaanada labada aqal ee Soomaaliya oo gaaraya 329 Xildhibaan ayaa kala dooranaya 22 Musharax.

Waxaa lagu wadaa marka gudaha loo galo hoolka doorashada in qaar kamid ah musharixiintu ay ka tanaasulaan tartanka ay geli lahaayeen oo ay so haraan musharixiin ka yar 22.

Doorashadan ayaa ah mid adag lana aaminsan yahay in ay ugu yaraan laba ama saddex wareeg ay marayso, waa adag tahay in musharax keliya la saadaaliyo, waxaana qiyaasta saxda ah soo bixi kartaa wareega hore.

Doorashada ayaa ka dhacaysa xaruntii hore ee ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisiyoone, waxaana dadka lagu baaaraya meel aad uga fog iyaga oo marka la baaro lagu qaadayo basas.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyey, ma jiraan gawaari lagu arki karo jidadka magaalada, dadkuna waxay weli ku jiraan socod, waxaana ay saameysey ganacsiga yo waxbarashada.

Madaxweynaha la doorto ayaa noqonaya Madaxweynihii sagaalaad ee Jamhuuriyaddu yeelato.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *